Monday 10 October 2016

Qaranka Soomaaliya


Noocyada guurka soomaalida


Soomaalidu waxay isku guursan jireen noocyo badan. Noocyadaasi way kala mudnaayeen amma kala mug-waynaayeen. Sidaa darteed gabadhii guri soo gasha ee la soo guursado 10 nooc mid ka mida ayay u soo gali jirtay.
A.. Heerin :- gabdhaha marka horay loo guursan waayo, da’dooduna yara weynaato inta ay dhawr isku raacaan ayay deegaan kale tagi jireen. kaddibna reero ayay u gali jireen. sidaa ayaa lagu guursan jiray.
B.. Sahansasho :- gabadhu markay wiil ay ka heshay aragto waxay ogaan jirtay reerka aw ka yimid, dabadeed gurigiisa ayay gali jirtay. Sidaa ayaa lagu guursan jiray
Labana geeri ayaa keenta
C..Dumaal :- haweenayda markuu odaygeedu dhintu nin kale ayaa looga raadiyaa odaygeeda reerkiisa.
D..Xigsiin :- ninka xaasikiisu markay dhimato waxa la siiyaa mid ka mida walaalaheed.
Labana waa boob amma dhac
E.. La baxsasho :- wiil iyo gabadh ayaa heshiinaya reerahooda oo aan ogayn. Wiilka ayaa gabadha reerkooda ka wadanaya. Markuu qoyskiisa u geeyo ayaa reerkay gabadhu ka dhalatay la war-galinayaa.
F.. Dhabar-garaac :- gabadha oo dhaan la socota ayaa ninka iyo saaxiibadii kala hadhayaan. Kaddibna xoog ayay reerkiisa ku gaynayaan.
Labana waa guurka tooska ah
G.. Haasaawe :- in wiilka iyo gabadhu ay haasaawi kaddib heshiiyaan, dabadeena la isku dhiso.
H..Isa siin :- in labada reer isa siiyaan iyaga oo aan is ogayn.
Labana waa bogsiin
I..Godob reeb  :- Reeraha colka ah ee waxa kala dila gabdho ayay is dhaafsan jireen, si colaadda loo damiyo
J..Ku qaad :- wiilku markuu gabadha quruxdeeda wax u dhimo ku qaado ayaa la yidhaa
Dhaqanka soomaaliga labada qof ee is qaba marka ay is arkayaan 7 nooc ayay u dhacdaa.
1..xilli arag :- waa is araga laba qof markay is guursadaan dhaca
2.. Xaq arag :-  waa kulanka habeenka ay caadada ka maydhato kaddib dhaca
3.. Xaajo arag :-  Habeenka ay afartan baxdo kaddib kulanka dhaca
4..  Xurmo arag :-  gabadhu hadday reerkooda intay tagto xoolo ka soo qaadato ayay odaygeeda si fiican isku arki jireen
5.. Xiiso arag :- waa is araga odaygu markuu safar ka soo laabto
6.. Xaal arag :-  habeenka ay gacani kaa dhacdo ninka xaaskiisa kulanka dhaca
7.. Xiraad arag :- marka ay dhalmo dayso qofka dumarku odaygeeda habeen habeen ayay is arkaan…

BARO AFJARMAL


Sunday 25 September 2016

KADIGTOONOW WAXA UU WHATSUP UU MAAGAN YAHAY!




KADIGTOONOW WAXA UU WHATSUP UU MAAGAN YAHAY!




SIDA QURAANKA LOO XIFDIYO


MUXAADARO SHEEKH UMAL



SHEIKH KHALID ALJALEEL


Wax Ka Baro Cudurka Lafo Xanuunka (Fibromyalgia) QARANKA SOOMAALIYA

Fibromyalgia waa lafo iyo murqo xanuunka ugu caansan markii laga reebo riixa “Osteoarthritis”.
Badanaa xanuunkaan waxaa lagu qaldaa xanuunnada kale sida riixa, roomaatiisamka iyo lafa xanuunnada kale.
Fibromyalgia waa xanuun raaga oo keena xanuun, tigtignaan, danqasho murqaha, seedaha iyo kala-goysyada.
Fibromyalgia waxay ka koobantahay laba eray oo kala ah:
Fiber: Miiqo ama Liif
Myalgia: Murqo xanuun.
Waxaa kaloo cudurkaan la socon karo calaamado kale sida daganaansho la’aan, daal, tabardarri, welwel, diiqo, iyo socodka caloosha oo isbadasha (saxaro adeeg ama shuban).
Waxa keeno cudurkaan illaa iyo hadda lama garanayo laakiin waxaa la aaminsan yahay in dareemidda xanuunka uu ka sarreeyo sidii qofka caadiga ah laga rabay.
Fibromyalgia waxuu kaga duwanyahay cudurrada kale ee lafaha iyo murqaha ku dhaca in uusan keenin wax dhaawac ama burbur lafo ama muruq maxaa yeelay ma wato cudurkaan wax calaamad caabuq ama belbel ka baxsan xanuunkaas.
Tusaale ahaan: cudurka roomaatiisamka wuxuu keenaa lafa qalqallooc sida gacmaha iyo faraha oo kale.
Cudurka fibromyalgia wuxuu u badan yahay haweenka oo in ka badan 80% wuxuu ku dhacaa dumarka u dhaxeysa da’dooda 35 ilaa 55 sano.
cudurka kuma badno caruurta yaryar iyo dadka da’da ah.
Calaamadaha lagu garto cudurka Fibromyalgia waxaa ugu horeeya xanuun kaasoo ay kicin karaan qeylada, isbadallada cimillada iyo niyad kaca, xanuunka wuxuu ku faafaa jirka oo dhan wuxuuna u badanyahay qoorta, barida, garbaha, gacmaha, dhabarka iyo xabadka.
Dadka badankiis wuxuu xanuunkaan uu bilawdaa qalliin, infekshan daran ama dhibaato nafsiyan ah markuu soo gaaro.
calaamada kale ee ku xigta waa daal iyo tabardarri taasoo lagu arko 90% dadka qaba cudurkaan.
madax-xanuun, calool-xanuun iyo xanuunno kale sida kaadiheysta oo xanuunta ayaa la socon kara.
Sidey takhaatiirta ku gartaan cudurkaan?
Cudurkaan malaha baaritaanno dhiig ama mid raajaba taasoo laga fahmi karo cudurkaan.
laakiin baaritaannadaas waxay meesha ka saarayaan cudurrada kale oo lagu qaldi karo cudurkaan, sidaas ayaa lagu sheegi karaa.
Waxaa cudurka lagu gartaa kaliya cabashada bukaaanka iyo wiisito-muuqaaleed “physical examination”.
Fibromyalgia malahan daawo u gooni ah laakiin waxay ku xirantahay qofka waxa uu ka cabanayo maadaama cabashada bukaanka ay kala duwanaan karto iyo cabashooyinkaas laftrikooda oo xiriir lahaan karin.
Laakiin waxaa ugu muhiimsan in qofka welwelka uu yareeyo, jimicsi samee

Caafimaadka Toonta (Toontu Waa Daawo, Aan Dadku Ka Warqabin) 25 September 2016 QARANKA SOOMAALIYA

Toonta ama Tuuntu waxay ka mid tahay geedo daaweedyada fara ku tiriska ah ee ummado badan isku waafaqsan yihiin waxtarkeeda caafimaad ayna soo isticmaali jireen xadaaraad hore oo caalamka soo maray.
Toonta waxay kaloo ka mid tahay geedo daaweedyada uu rasuulkeena suuban nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu nagala dardaarmay in aan xanuunada iskaga daawayno.
Toonta waxay kaloo ka mid tahay geedo daaweedyada ay cilmibaarayaashu isku waafaqeen waxtarkeeda caafimaadkeeda.
Haddiiba faa’idadeeda uusan shakii ku jirin bal aan ka hadalno xanuunada lagu daaweeyo iyo qaabka ay wax u tarto intaba:
  • Toonta waxaa ku jirto maaddo loo yaqaano “Allicin”, waana maadada carafta tuunta xambaarsan iyo awoodda daaweed ee tuunta
  • Waxyaabaha nafaqada leh oo toonta laga helo waxaa ugu horreeyo Manganese, fitamiin B6, fitamiin C iyo maadada Selenium, waxaa kaloo ku jiro qadar yar oo kaalsiyam, copper, bootaasiyam iyo bir ah.
  • Toonta waxay sare u qaadaa difaaca jirka, waana sababta loogu adeegsado xanuunada uu fayraska keeno sida ifilada, durayga iyo hergabka, waxaana la arkay in halista hergabka ay yarayso boqolkiiba 70% markii toon la isticmaalo, ka akhriso halkaan cunnada kale ee hergabka lagu daaweeyo: Riix Halkan
  • Toonta waxay hoos u dhigtaa dhiig karka, waana arkay dad badan oo toonta u isticmaalo inay ku xakameeyaan cadaadisk dhiigga, sadax diraasad oo lagu sameeyay toonta waxay sheegeen in haddii aad qaadatid qadar 600 illaa 1500 mg oo toon ah maalintii inay la mid tahay adigoo qaata kaniiniga dhiigkarka ee loo yaqaano “Atenolol”, sidaasne uu dhiigga lagu kontarooli karo, maadaama qadarka toonta ee halkaan ku xusan uu badan yahay oo ay dhici karto inuusan qofka qaadan karin maalintiiba, waxaa habboon in aad tuunta u isticmaasho dhiig-karka markuu cusub yahay ama billaw yahay, laakiin hadduu aad u kaco, waa in aad daawo qaadatid.
  • Toonta waxay hoos u dhigtaa kolestaroolka xun ee loo yaqaano “LDL”, waxay kaloo hoos u dhigtaa dufanka loo yaqaano “Triglyceride” oo wadnaha u daran, waxaa jiro dhowr diraasad oo ku talinayso in kolestaroolka lagu xakamayn karo cunista toonta joogtada ah.
  • Toonta waxaa alle ku abuuray maado ka hortagto xanuunada hilmaanka maskaxda keeno sida alzheimers iyo dementia, qaabkane waa in iyadoo jirka ka saarto waxyaabaha dhibkaas keeno oo maskaxda howlgabiyo in ay ka takhallusto iyadoo adeegsanayso qaab loo yaqaano “Detoxification”, sidaas awgeed maadaama dhiigkarka ay yarayso, kolestaroolka ay xakamayso, shaqada maskaxdane ay wanaajiso waa daawo u roon duqowda.
  • Toonta waxay kordhisaa firfircoonida iyo gubista tamarta xilliga jimicsiga ama Gym-ka, wayna ka wanaagsan tahay kana caafimaad badan tahay daawooyinka la sheego in murqaha lagu dhiso oo leh waxyeello badan, haddii aad jimicsi samaysid ku dadaal in aad joogtaysid cunista toonta, waxaana arrintaan laga ogaaday taariihkda giriigga iyagoo orodada marathon-ka siin jiray toon inta aysan orodka billaabin, waana sir waqti dambe la ogaaday.
  • Dadka ka shaqeeyo warshada kiimikada sameeyo sida rasaasta ama “lead” waxa loo yaqaano waxay aad ugu dadaalaan cunista toonta iyadoo la arkay inay jirka ka saarto suntaas, waxayna ka hortagtaa astaamaha ay dadkaas badanaa dareemaan sida madax xanuunka iyo dhiig-karka.
  • Toonta waxay kobcisaa caafimaadka lafaha khaasatan dumarka iyadoo siyaadiso hormoonka estrogen, kaasoo hadduu yaraado u qaabilsan daciifinta lafaha, akhriso qoraal aan uga hadalnay arintaas: Riix Halkan
  • Toonta waxay la dagaallanta gooryaanada iyo jeermiska mindhicirrada galo iyadoo alle siiyay awood suuxin oo gooryaanka ku suuxayo taasoo caloosha si sahlan iskaga soo saari karto, badanaa cilmibaarayaashu waxay sheegeen in dadka joogteeyo cunista toonta inay ku yartahay bahallada iyo gooryaanada caloosha galo, haddii dhibato kaa haysato caloosha fadlan ku dadaal toonta oo ku nadiifi mindhicirradaada.
  • Toonta waxaa kaloo loo adeegsadaa qandho jabis, qufaca, madax xanuunka, caabuq sanqada, kalagoysyo xanuunka, baabasiirka, xiiqda, buronkiitada, qaniinyada masaska iyo dabaqallooca, wuxuuna rasuulka noo sheegay in haddii toonta la saaro meel uu bahal kaa qaniinay iyadoo la tumay waxay jirka ka soo dhuugtaa sunta iyadoo ilaahay idinkiisa ka hortagto in sunta ay dhiigga raacdo, intaas aan soo tilmaamay oo lagu daray ku daawaynta xiiqdheerta, saliilyada ilkaha, cambaarta basada gasho waa wax cilmibaaris lagu sameeyay oo la arkay waxtarkooda.
    Waxaa hadda jirto cirbad laga sameeyay toonta oo loo adeegsado feero xanuunka aan daawada waxba ka tarin.!!!

Akhriso:- Qudbaddii Wasiir Hadliye ee Magaalada New york Sep 25, 2016(QARANKA SOOMAALIYA) - jawaab

Wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya C/Salaan Cumar Hadliye oo ka hadlayay shirka  heer wasiiro arrimo dibbadda ee ka dhacay magaalada New York  ayaa sheegay in dawlada Soomaaliya ay guul weyn ka gaartay dagaalka ay kula jirto xarakadda Al-Shabab oo ay williba jabiyeen.
Wasiir hadliye waxaa uu sheegay in natiijadda ka dhalatay hawlgalka ay sida wada jirka ah u sameeyeen ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa Midawga Africa ay keentay in laga saaro dhul badan oo ay ka maamulayeen Soomaaliya.
Wasiirku waxaa uu sheegay in inta badan hogaamiyaasha Al-Shabab ay noqdeen kuwa la dilay kuwa la qabtay iyo kuwa isa soo dhiibay taasoo keentay buu yiri in maanta dhulka ay maamulaan uu gaarsiisan yahay 10%.
“Dadka Soomaaliyeed waa ay naceen Al-Shabab ayaguna wax awood ah malaha kaliya inay is qarxin sameeyaan mooyaane iyo inay weeraraan wadamada dariska nala ah” ayuu yiri C/Salaan Cumar Hadliye wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya.
In dawladu si weyn uga adkaatay Al-Shabab oo ay jabisay ciidan ahaan ayuu u sheegay wasiiradda ka qayb galaya shirka New York ka socda waxaana uu intaa ku daray wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya in dawladu qaadayso dadaal ay ku xoojinayso amniga dalka si looga hortago weeraro ay dalka ka geystaan Al-Shabab taasoo uu sidoo kale wadamada ka qeyb galaya shirkaan uu waydiistay inay ka gacan siiyaan.
Wasiirka waxaa uu sidoo kale ka hadlay arrimo kale oo ay ka mid yihiin doorashooyinku dalku galayo sanadkaan, amaanka iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool.
Sidoo kale wasiirka arrimaha dibbadda Imaaraatka Carabta Sh, C/llaahi Bin Sayid Al-Nahyan ayaa ku eedeeyay dawlada Iran inay door weyn ka cayaarayso dhibaatadda ka taagan wadamo ay ka mid yihiin Syria, Yemen iyo Soomaaliya.

MUXAADARO SHEEKH XUSEEN TABLIIQ



BARO DEUTSCH


Waa gabay murti ay kudheehan tahay ee kabogasho wacan


Sheeko dhab ah Labo gabdhood oo xawaalad dhexdeeda ku ogaaday in leesla qabo kadib maxaa dhacay


Wiil ayaa waxa uu ku noolaa dalka kenya gaar ahaan nairobi waxa uu halkaa ka bartay gabar somali ah oo Qurux badan waxayna usocotay dalka maraykanka gabartii way sheekeeysteen waxayna ku hishiiyeen inay is guursadaan kadib Waa ay aqal galeen gabartii waxay baxday maraykan Gobol kamid ah ayay gashay bilo kadib waxay bilowday gabartii inay wiilka lacag u qorto bil kasta lacag ayay usoo diri jirtay kadib gabar kale ayuu bartay wiilkii oo iyana usocota dalka maraykanka iyana sidii oo kale Waa uu mehersaday way baxday.
Iyaduna ilaahay amarkii waxay tagtay gobolkii ay joogtay xaaskiisa kale waxaana meesha ku yaal Hal xawaalad wax SOMALI leedahay meesha ayeyna aad ugu yar yihiin Soomaalidu qofkii qof Somali arka waa uu ku dhagaa jacayl dartii.
Malin maalmaha kamid ah ayaa labadii gabdhood Hal mar soo wada galeen xawaalada waana la isa salamay abaayo Somali maa tahay haa ana sidoo kale goormee timid hada mudo sanad wan joogay yaa dhex martay.
Salaan kadib gabartii markay lacagta direysay ayay maqashay magaca ninkeeda oo sadexan oo gabartani ku direyso lacagta waxayna tiri abaayo wiilkan aad lacagta u direyso waayo maxaadse isku tihiin
Gabartii ayaa tiri Waa ninkeyga, talo faraha ayay ka baxday timahaa la isku dhagay anba Waa ninkeyga ayaa ka dhacday
kadib Waa hishiiyeen labadii gabdhood waxayna u hishiiyeen ninkii isku mar ayay soo waceen xariifkaan oo islii qaad u fadhiyo waxaana la yiri labadeenuba waan ku furnay macalinka ee magalada iska dhici.
Nuxurka Sheekadan: Waxa wayee wax badso wax la,aan ee leedaghay. Wax yar oo aad iimaansato ayaa kaaga wanaagsan wax badan oo aad kuwada qasaarto.

Kenya oo hakisay Shidaal Baaris ay ka waday Biyaha lagu muransan yahay ee Somaliya


Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay laashay dhamaan wixii heshiis shidaal baaris ah ee ay la gashay Shirkadaha Shidaal baarista ka waday biyaha ay kula muran san tahay Somaliya.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Kenya, Githu Muigai,ayaa sheegay in ay hakiyeen dhamaan wixii Shidaal baaris ah oo ay horay u siiyeen Shirkadaha baara shidaalka si kalsooni loo siiyo Somaliya iyo Maxkamadda ICJ.
Dacwadda badda ee u dhaxeysay labada dal ayaa in la furayo iyo in kale dood la xiriirtay la soo afjaray Jimcihii la soo dhaafay,waxaana go’aan laga sugayaa Maxkamadda ICJ ee Dalkaasi Holland ku taalla.
Kenya waxa ay sheegtay in goobaha ay shidaal baaristaasi ka socotay oo ah 4 ceel hakad la geliyay kuwaas oo kala ah Ceelka 21-aad,22-aad 23-aad iyo 24-aad,kuwaas oo dhaca halka ay iska galaan biyaha labada dal sida ay sheegtay Kenya.
Kenya,ayaa wali ku doodeysa in is afgaradkii 2009-kii,kaas oo ay Dowladda Somaliya ku sheegtay in uusan ahayn mid dhaqan gal ama sharci hoggaamin kara heshiis ay gaaraan labada dal.
Kenya ayaa horay u sheegtay in haddii ay Somaliya kaga guuleysato kiiskan islamarkaana dhulbadeedkaasi laga celiyo oo lagu wareejiyo Somaliya ay taasi saameyn taban ku yeelan doonto Tanzania oo iyana ay sohdin badeed wadaagaan,islamarkaana jiro muran u dhaxeeya labadaasi Dal.
Baaxadda halka ay ku muransan yihiin Somaliya iyo Kenya ayey Dowladda Kenya ku sheegtay in 42,000KM ay gaareyso,taas oo ay rumeysan yihiin labada dalba in ay kheyraad dabiici ah ka buuxaan.
Xeer Ilaaliyaha  Prof Muigai ,ayaa jeedintii ugu dambeysay ee Maxkamadda kaga codsaday in ay laasho dacwadda Soomaaliya ee ah in kiiskan ay Maxkamadda gasho,halka Soomaaliya ay ku doodday in Kiiskan uu ku habboon yahay Maxkamadda.
Muddo Sagaashan cisho gudahood ah ayaa Maxkamadda ICJ,laga sugayaa go’aanka ay ku caddeyneyso min Kiiskan ay qaadeyso iyo in aysan qaadeyn.

Dowladda Somaliya oo ka digtay waxyeeleynta dhalinyarada ku xiran xabsiyada caalamka


Dowladda Federalka Somaliya ayaa ka digtay waxyeeleynta dhalinyarada Somaliyed ee xabsiyada caalamka ku xiran, xilli Dowladda India la sheegay inay xukun dil ah ku riday 50-dhalinyaro Somali ah.
Warka ka soo baxay Dowladda Federalka Somaliya ayaa lagu sheegay in laga codsanaayo dalalka India iyo Seychelles inay hubiyaan badqabka dhalinyarada Somaliyed ee Xabsiyadooda ku xiran.
Waxa ay sheegtay Dowladda Somaliya baaritaan ay sameysay kadib inay ku ogaatay dhalinyaradaas inay ahaayeen kuwa kaluumaysato ah, islamarkaana si qaldan loo qabtay.
Dowladda Somaliya ayaa ugu baaqday Wasaarada Arimaha Dibada Somaliya iyo Safaaradaha Somaliya ay ku leedahay dalalka, Kenya, India, Iyo Jazeerada Seychelles inay hubiyaan caafimaadka iyo ammaanka dhalinyaradaasi.
Waxa kale oo ay sheegtay Dowladda inay ka codsanayso Dowladaha ay ku xiran yihiin dhalinyaradaasi Somaliyed in la cafiyo, lagana shaqeeyo sidii dalkooda hooyo dib loogu soo celin lahaa.
Qoraalka ka soo baxay Dowladda Somaliya ayaa ku soo aadaya, xilli tacadiyo kala duwan ay la kulmaan dhalinyarada Somaliyed ee ku xiran Xabsiyada aduunka, kuwaasi oo u baahan helida cadaalad buuxda.

Saturday 24 September 2016

Shil gaari oo geystay qasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo ka dhacay duuleedka Muqdisho

Muqdisho (QARANKA SOOMAALIYA)-Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaanka Garasbaaleey ee duuleedka magaalada Muqdisho.
Shilka  ayaa yimid ka dib markii Gaari xowli ku socday uu wadada kaleexday kadibna uu jiiray dad maraayay wadada geeskeeda sida ay  sheegeen dadka deegaanka.
Ilaa Laba ruux ayaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen, sidoo kalena ay dhaawacmeen dad tiradooda lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 4-ruux sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha deegaanka Garasbaaleey.
Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaleey Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in ay u gurmadeen dadkii ay dhibaatada soo gaartay , islamarkaana loola soo cararay isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho

CODKA MACAANE EE SHEEKH KHAALID ALJALEEL INALA DHAGEESO


Waa abwaankii weynaa ee Hadraawi


Madxafka dadka Madaw ee Maraykanka ah oo laga furay Washington DC

Madaxwaynihii u horeeyay ee Madaw ee dalka Maraykanka soo mara ayaa si rasmi ah xariga uga jaray matxafkii qaran ee ugu horeeyay ee lagu soo bandhigo taariikhda dadka madaw ee Maraykanka ah.
Madxafkaas ayaa xarigga lagaga jaray magaalada Washington DC.
Barack Obama ayaa sheegay in madxafkan oo ay ku baxday lacag gaaraysa 540 milyan oo doolar uu u taagan yahay safarka loogu jiro dhanka dimuqraadiyadda.
Dhismaha madxafkan oo uu naqshadeeyay David Adjaye oo u dhashay dalka Britain ayaan sidaa ugu fogayn aqalka cad
Obama waxaa furitaanka ku weheliyay madaxwaynihii isaga ka horeeyay George W Bush oo saxiixay sanadkii 2003 sharciga ogolaanaya in dhismaha matxafkan la bilaabo.

WAR CUSUB+DHAGEYSO: Shacabka Somaliyed oo Hub uruursanaya Kenya & siday uga soo dhicin lahaayeen Badda la dhacay..

Iyadoo shalay oo jimco ahayd magaalada Heeg lagu soo gabagabeeyay dacwada muranka Badda ee u dhaxeyso Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay Shacabka ku dhaqan  magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Shacabka Boosaaso ayaa waxay sheegeen iney ka xun yihiin in Kenya si xoog ah ku sheegato qeyb ka mid ah Baddeena oo waliba kheyraad uu ka buuxo.
Waxay Shacabka magaalada Boosaaso ammaan u soo jeeday guddiga Dowladda Soomaaliya ay u dirtay maxkamada ICJ iyo sidoo kale Qareenada u doodaya dowladda Soomaaliya.
Maxkamadda Cadaalada Caalamiga ah ee ICJ ee ku taalla Magaalada Hague ee Dalka Holland ayaa Dhageysatay shalay markii Labaad Soomaaliya, Muranka Dacwadda ee kala dhaxeeya Kenya.
Qareenada u doodayay Soomaaliya oo shalay si toos ah looga daawanayay warbaahinta Magaalada Hague ayaa la sheegay in ay si wanaagsan u hadleen, sidoo kalena ay ka jawaabeen eedeynta Dowladda Kenya ee ku aadan in Dacawadan aysan qaadi karin Maxkamadda ICJ.
Kenya iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer oo ku saleysan amni,siyaasad iyo mid dhaqaalo.

XOG CUSUB :- Midowga Africa oo Kormeerayaal u soo diray Doorashada Soomaaliya

Qeybta Siyaasadda ee Ururka Midowga Africa ayaa sheegay in dhawaan Somaaliya ay u soo direen 2 Xubnood oo Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya kala  shaqeyn doona hanaan Doorashooyinka dalka ee dhawaan la filayo in dalka ay ka qabsoomaan.
Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Madera ayaa xusay in Kooxdaasi ay ka saacidi doonaan Soomaaliya Arrimaha Doorashooyinka.
Waxaana uu intaas sii raaciyay in si gaar ah xubnahaasi ay ula shaqeyn doonaan Guddiga Doorashooyinka dalka.
Labada Xubnood ee Ururka Midowga Africa u soo direen Soomaaliya oo u kala dhashay Dalalka Cameroon iyo Uganda ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo  si toos ah uga howlgalaan Soomaaliya.
Sidoo kale Xubno Guddiga Doorashooyinka la shaqeeya ayaa la rajeynayaa in ay u soo diraan Soomaaliya Ururada Jaamacadda Carabta, Midowga Europe , Qaramada Mudoobay iyo kan iskaashiga Islaamka.

Aakhiru Sabaan Faarax Nuur, "Arab"

Ingiriis Axmaariyo Talyaan wey akeekimiye
Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone
Anse ila ah aakhiru Sabaan iligyadiisiiye







Gabaygan wuxu Abwaanku tiriyey waagii Gaaladii Yurub ka soo gooshtay ay geyiga Soomalida qaybsanaysay. Wuxu Abwaankii Waddaniga ahaa ee Faarax Nuur (Ilaah ha u naxariistee) ku guubaabinayaa Ummadda Soomaaliyeed in aan la aaminin Gaalka sidii uu Eebbe Inna faray. Wuxu abwaanku ku bilaabayaa in astaamihii Aakhiru-Samaanku ay ifafaalahoodii muuqdaan;



Orgigaa riyaha taadaxoo oodda faaliga e
Waa duni hablihii loo ogaa aqalka diideene
Anse ila ah aakhiru sabaan iligyadiisiiye

Waa duni la kala iibsaday oon nala ogeysiine
Waa duni akhyaartii go'day oo aaran soo hadhaye
Waa duni ninkaad aamintaa kuu abees yahaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Waa duni xaqii la arkayaa la arjumayaaye
Waa duni Akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Afka iyo adduunkaa hadloo oodan? sadarkiiye
Ninka gacanta midig oodan tahay laga ilroonaaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Nimanyahow bal daya xaajada lala aguugaayo
Odayaashan loo yeedhay ee la anfac siinaayo
Asxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine

Haddaa niman Islaamiyo tihiin aadan faracdiisa
Oo aydnaan Ilaahay ka go'in hayna oodina'e
Hadduu Awrka dooxada ku furo eel kalaa xigiye
Inaga Daaya yaynaan ku dhicin bahal Afkiisiiye

DAAWO:Maxbuuskii 39 sano ku xernaa xabsi oo La Siidaayey Lana Siiyey Aduun Gaadhaya 1 milyan Dollar ….

Nin  madoow Mareykan ah 40 sano ku xernaa  xabsi ku yaallo gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa gadaal laga ogaaday inuu wax dambi ah galin  oo uu yahay shaqsi barii ah oo lagu eedeeyay inuu qof dilay taasoo aheyd mid qalad ah oo gardarro loogu hayay xabsiga intaas sanadood.


http://jubbalandnews.net/wp-content/uploads/2016/09/MAXBUUS.html

Nin waalidiintii si xun ugu dhaawacay Magaalada Muqdisho 24th September 2016 by Shiil


Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayan in nin degan Degmada Heliwaa uu maanta si xun ugu dhaawacay Degmadaasi hooyadii iyo aabihii.
Goobjooge, ayaa sheegay in ninkaasi oo madaxa looga jiray uu hooyadii iyo aabihiiba si xun ugu dhaawacay xaafadda Waxarcadde, ka dib markii uu la dhacay baangad.
Ninkan, ayaa sidoo kale dilay wiil yar oo uu dhalay, halka uu ku sigtay in uu waxyeelo u gaysto saddex wiil oo kale, oo uu dhalay, markii uu baangadda la gafay, isla-markaana ay ka carareen.
Goobjoogaha, ayaa sheegay in Ciidamada Booliska Degmada Heliwaa lagu wargeliyay dhacdadaasi, isla-markaana ay u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan ninkaasi.
Ciidamada Booliska, ayaa rasaas ku dhaawacay ninkaasi, ka hor intii aanay gacanta ku dhigin, waxayna hadda ku hayaan Saldhiga Booliska Heliwaa.
Waalidiinta uu dhaawacay ninkaasi oo dhaawacyadooda lagu sheegay kuwo culus, ayaa waxaa lagula cararay goobaha caafimaadka, si wax looga qabto xaaladooda.
Dhacdadan, ayaa argagax gelisay shacabka ku dhaqan xaafadda Waxarcadde ee Degmada Heliwaa, waxayna noqotay dhacdada loogu hadalhaynta badan yahay.

Gabar 25-jir ah oo Madax ka noqotay magaalo ku taal Nigeria

September 24 (QARANKA SOOMAALIYA)— Haweeney 25 jir ah ayaa loo magacaabay madaxa maamul maxali ah oo ku yaala gobol muslimiintu u badan yihiin oo ku yaala woqooyiga Nigeria. Hindatu Umar ayaa noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee dumar ah, isla markaana ugu da’ yar oo xil ka qabta magaalada Argungu oo ku taala gobolka woqooyi galbeed ee Kebbi. Waxay sidoo kale noqoneysaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee magaaladaasi soo mara ee aan guursan. Weriyaha BBC-da ee dalka Nigeria Cabdullahi Kaura ayaa sheegaya in magacaabidda gabadhani xilkaasi loo magacaabay uu yahay mid la yaab leh. Dadka deegaanka qaarkood ayaa durbaba cabasho arrintaa ka muujiyay, waxa ayna BBC-da u sheegeen in haweeneydan aysan la hayn khibrad iyo karti dhanka hoggaanka ah oo ku filan. Hindatu ayaa horey u ahayd guddoomiye ku xigeen, waxaana hadda loo dalacsiiyay jagada guddoomiyaha kaddib markii mas’uulikii xilkaa hayay uu wakhtigiisii dhamaaday. Sida uu sheegaya weriyaha BBC-da ee dalkaasi, dumarka ku nool woqooyiga Nigeria inta badan ma ahan kuwo xil loo dhiibo. Magaalada Argungu ayaa ah magaalada ugu weyn isla markaana ugu qadiimisan woqooyiga Nigeria, waxayna caan ku tahay xafladda kalluumeysiga oo sanad le ah.