Monday 10 October 2016

Noocyada guurka soomaalida


Soomaalidu waxay isku guursan jireen noocyo badan. Noocyadaasi way kala mudnaayeen amma kala mug-waynaayeen. Sidaa darteed gabadhii guri soo gasha ee la soo guursado 10 nooc mid ka mida ayay u soo gali jirtay.
A.. Heerin :- gabdhaha marka horay loo guursan waayo, da’dooduna yara weynaato inta ay dhawr isku raacaan ayay deegaan kale tagi jireen. kaddibna reero ayay u gali jireen. sidaa ayaa lagu guursan jiray.
B.. Sahansasho :- gabadhu markay wiil ay ka heshay aragto waxay ogaan jirtay reerka aw ka yimid, dabadeed gurigiisa ayay gali jirtay. Sidaa ayaa lagu guursan jiray
Labana geeri ayaa keenta
C..Dumaal :- haweenayda markuu odaygeedu dhintu nin kale ayaa looga raadiyaa odaygeeda reerkiisa.
D..Xigsiin :- ninka xaasikiisu markay dhimato waxa la siiyaa mid ka mida walaalaheed.
Labana waa boob amma dhac
E.. La baxsasho :- wiil iyo gabadh ayaa heshiinaya reerahooda oo aan ogayn. Wiilka ayaa gabadha reerkooda ka wadanaya. Markuu qoyskiisa u geeyo ayaa reerkay gabadhu ka dhalatay la war-galinayaa.
F.. Dhabar-garaac :- gabadha oo dhaan la socota ayaa ninka iyo saaxiibadii kala hadhayaan. Kaddibna xoog ayay reerkiisa ku gaynayaan.
Labana waa guurka tooska ah
G.. Haasaawe :- in wiilka iyo gabadhu ay haasaawi kaddib heshiiyaan, dabadeena la isku dhiso.
H..Isa siin :- in labada reer isa siiyaan iyaga oo aan is ogayn.
Labana waa bogsiin
I..Godob reeb  :- Reeraha colka ah ee waxa kala dila gabdho ayay is dhaafsan jireen, si colaadda loo damiyo
J..Ku qaad :- wiilku markuu gabadha quruxdeeda wax u dhimo ku qaado ayaa la yidhaa
Dhaqanka soomaaliga labada qof ee is qaba marka ay is arkayaan 7 nooc ayay u dhacdaa.
1..xilli arag :- waa is araga laba qof markay is guursadaan dhaca
2.. Xaq arag :-  waa kulanka habeenka ay caadada ka maydhato kaddib dhaca
3.. Xaajo arag :-  Habeenka ay afartan baxdo kaddib kulanka dhaca
4..  Xurmo arag :-  gabadhu hadday reerkooda intay tagto xoolo ka soo qaadato ayay odaygeeda si fiican isku arki jireen
5.. Xiiso arag :- waa is araga odaygu markuu safar ka soo laabto
6.. Xaal arag :-  habeenka ay gacani kaa dhacdo ninka xaaskiisa kulanka dhaca
7.. Xiraad arag :- marka ay dhalmo dayso qofka dumarku odaygeeda habeen habeen ayay is arkaan…

No comments:

Post a Comment