Sunday 25 September 2016

Akhriso:- Qudbaddii Wasiir Hadliye ee Magaalada New york Sep 25, 2016(QARANKA SOOMAALIYA) - jawaab

Wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya C/Salaan Cumar Hadliye oo ka hadlayay shirka  heer wasiiro arrimo dibbadda ee ka dhacay magaalada New York  ayaa sheegay in dawlada Soomaaliya ay guul weyn ka gaartay dagaalka ay kula jirto xarakadda Al-Shabab oo ay williba jabiyeen.
Wasiir hadliye waxaa uu sheegay in natiijadda ka dhalatay hawlgalka ay sida wada jirka ah u sameeyeen ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa Midawga Africa ay keentay in laga saaro dhul badan oo ay ka maamulayeen Soomaaliya.
Wasiirku waxaa uu sheegay in inta badan hogaamiyaasha Al-Shabab ay noqdeen kuwa la dilay kuwa la qabtay iyo kuwa isa soo dhiibay taasoo keentay buu yiri in maanta dhulka ay maamulaan uu gaarsiisan yahay 10%.
“Dadka Soomaaliyeed waa ay naceen Al-Shabab ayaguna wax awood ah malaha kaliya inay is qarxin sameeyaan mooyaane iyo inay weeraraan wadamada dariska nala ah” ayuu yiri C/Salaan Cumar Hadliye wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya.
In dawladu si weyn uga adkaatay Al-Shabab oo ay jabisay ciidan ahaan ayuu u sheegay wasiiradda ka qayb galaya shirka New York ka socda waxaana uu intaa ku daray wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya in dawladu qaadayso dadaal ay ku xoojinayso amniga dalka si looga hortago weeraro ay dalka ka geystaan Al-Shabab taasoo uu sidoo kale wadamada ka qeyb galaya shirkaan uu waydiistay inay ka gacan siiyaan.
Wasiirka waxaa uu sidoo kale ka hadlay arrimo kale oo ay ka mid yihiin doorashooyinku dalku galayo sanadkaan, amaanka iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool.
Sidoo kale wasiirka arrimaha dibbadda Imaaraatka Carabta Sh, C/llaahi Bin Sayid Al-Nahyan ayaa ku eedeeyay dawlada Iran inay door weyn ka cayaarayso dhibaatadda ka taagan wadamo ay ka mid yihiin Syria, Yemen iyo Soomaaliya.

No comments:

Post a Comment