Saturday 24 September 2016

Nin waalidiintii si xun ugu dhaawacay Magaalada Muqdisho 24th September 2016 by Shiil


Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayan in nin degan Degmada Heliwaa uu maanta si xun ugu dhaawacay Degmadaasi hooyadii iyo aabihii.
Goobjooge, ayaa sheegay in ninkaasi oo madaxa looga jiray uu hooyadii iyo aabihiiba si xun ugu dhaawacay xaafadda Waxarcadde, ka dib markii uu la dhacay baangad.
Ninkan, ayaa sidoo kale dilay wiil yar oo uu dhalay, halka uu ku sigtay in uu waxyeelo u gaysto saddex wiil oo kale, oo uu dhalay, markii uu baangadda la gafay, isla-markaana ay ka carareen.
Goobjoogaha, ayaa sheegay in Ciidamada Booliska Degmada Heliwaa lagu wargeliyay dhacdadaasi, isla-markaana ay u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan ninkaasi.
Ciidamada Booliska, ayaa rasaas ku dhaawacay ninkaasi, ka hor intii aanay gacanta ku dhigin, waxayna hadda ku hayaan Saldhiga Booliska Heliwaa.
Waalidiinta uu dhaawacay ninkaasi oo dhaawacyadooda lagu sheegay kuwo culus, ayaa waxaa lagula cararay goobaha caafimaadka, si wax looga qabto xaaladooda.
Dhacdadan, ayaa argagax gelisay shacabka ku dhaqan xaafadda Waxarcadde ee Degmada Heliwaa, waxayna noqotay dhacdada loogu hadalhaynta badan yahay.

No comments:

Post a Comment