Sunday 25 September 2016

Dowladda Somaliya oo ka digtay waxyeeleynta dhalinyarada ku xiran xabsiyada caalamka


Dowladda Federalka Somaliya ayaa ka digtay waxyeeleynta dhalinyarada Somaliyed ee xabsiyada caalamka ku xiran, xilli Dowladda India la sheegay inay xukun dil ah ku riday 50-dhalinyaro Somali ah.
Warka ka soo baxay Dowladda Federalka Somaliya ayaa lagu sheegay in laga codsanaayo dalalka India iyo Seychelles inay hubiyaan badqabka dhalinyarada Somaliyed ee Xabsiyadooda ku xiran.
Waxa ay sheegtay Dowladda Somaliya baaritaan ay sameysay kadib inay ku ogaatay dhalinyaradaas inay ahaayeen kuwa kaluumaysato ah, islamarkaana si qaldan loo qabtay.
Dowladda Somaliya ayaa ugu baaqday Wasaarada Arimaha Dibada Somaliya iyo Safaaradaha Somaliya ay ku leedahay dalalka, Kenya, India, Iyo Jazeerada Seychelles inay hubiyaan caafimaadka iyo ammaanka dhalinyaradaasi.
Waxa kale oo ay sheegtay Dowladda inay ka codsanayso Dowladaha ay ku xiran yihiin dhalinyaradaasi Somaliyed in la cafiyo, lagana shaqeeyo sidii dalkooda hooyo dib loogu soo celin lahaa.
Qoraalka ka soo baxay Dowladda Somaliya ayaa ku soo aadaya, xilli tacadiyo kala duwan ay la kulmaan dhalinyarada Somaliyed ee ku xiran Xabsiyada aduunka, kuwaasi oo u baahan helida cadaalad buuxda.

No comments:

Post a Comment