Sunday 25 September 2016

Wax Ka Baro Cudurka Lafo Xanuunka (Fibromyalgia) QARANKA SOOMAALIYA

Fibromyalgia waa lafo iyo murqo xanuunka ugu caansan markii laga reebo riixa “Osteoarthritis”.
Badanaa xanuunkaan waxaa lagu qaldaa xanuunnada kale sida riixa, roomaatiisamka iyo lafa xanuunnada kale.
Fibromyalgia waa xanuun raaga oo keena xanuun, tigtignaan, danqasho murqaha, seedaha iyo kala-goysyada.
Fibromyalgia waxay ka koobantahay laba eray oo kala ah:
Fiber: Miiqo ama Liif
Myalgia: Murqo xanuun.
Waxaa kaloo cudurkaan la socon karo calaamado kale sida daganaansho la’aan, daal, tabardarri, welwel, diiqo, iyo socodka caloosha oo isbadasha (saxaro adeeg ama shuban).
Waxa keeno cudurkaan illaa iyo hadda lama garanayo laakiin waxaa la aaminsan yahay in dareemidda xanuunka uu ka sarreeyo sidii qofka caadiga ah laga rabay.
Fibromyalgia waxuu kaga duwanyahay cudurrada kale ee lafaha iyo murqaha ku dhaca in uusan keenin wax dhaawac ama burbur lafo ama muruq maxaa yeelay ma wato cudurkaan wax calaamad caabuq ama belbel ka baxsan xanuunkaas.
Tusaale ahaan: cudurka roomaatiisamka wuxuu keenaa lafa qalqallooc sida gacmaha iyo faraha oo kale.
Cudurka fibromyalgia wuxuu u badan yahay haweenka oo in ka badan 80% wuxuu ku dhacaa dumarka u dhaxeysa da’dooda 35 ilaa 55 sano.
cudurka kuma badno caruurta yaryar iyo dadka da’da ah.
Calaamadaha lagu garto cudurka Fibromyalgia waxaa ugu horeeya xanuun kaasoo ay kicin karaan qeylada, isbadallada cimillada iyo niyad kaca, xanuunka wuxuu ku faafaa jirka oo dhan wuxuuna u badanyahay qoorta, barida, garbaha, gacmaha, dhabarka iyo xabadka.
Dadka badankiis wuxuu xanuunkaan uu bilawdaa qalliin, infekshan daran ama dhibaato nafsiyan ah markuu soo gaaro.
calaamada kale ee ku xigta waa daal iyo tabardarri taasoo lagu arko 90% dadka qaba cudurkaan.
madax-xanuun, calool-xanuun iyo xanuunno kale sida kaadiheysta oo xanuunta ayaa la socon kara.
Sidey takhaatiirta ku gartaan cudurkaan?
Cudurkaan malaha baaritaanno dhiig ama mid raajaba taasoo laga fahmi karo cudurkaan.
laakiin baaritaannadaas waxay meesha ka saarayaan cudurrada kale oo lagu qaldi karo cudurkaan, sidaas ayaa lagu sheegi karaa.
Waxaa cudurka lagu gartaa kaliya cabashada bukaaanka iyo wiisito-muuqaaleed “physical examination”.
Fibromyalgia malahan daawo u gooni ah laakiin waxay ku xirantahay qofka waxa uu ka cabanayo maadaama cabashada bukaanka ay kala duwanaan karto iyo cabashooyinkaas laftrikooda oo xiriir lahaan karin.
Laakiin waxaa ugu muhiimsan in qofka welwelka uu yareeyo, jimicsi samee

No comments:

Post a Comment