Saturday 24 September 2016

Gabar 25-jir ah oo Madax ka noqotay magaalo ku taal Nigeria

September 24 (QARANKA SOOMAALIYA)— Haweeney 25 jir ah ayaa loo magacaabay madaxa maamul maxali ah oo ku yaala gobol muslimiintu u badan yihiin oo ku yaala woqooyiga Nigeria. Hindatu Umar ayaa noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee dumar ah, isla markaana ugu da’ yar oo xil ka qabta magaalada Argungu oo ku taala gobolka woqooyi galbeed ee Kebbi. Waxay sidoo kale noqoneysaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee magaaladaasi soo mara ee aan guursan. Weriyaha BBC-da ee dalka Nigeria Cabdullahi Kaura ayaa sheegaya in magacaabidda gabadhani xilkaasi loo magacaabay uu yahay mid la yaab leh. Dadka deegaanka qaarkood ayaa durbaba cabasho arrintaa ka muujiyay, waxa ayna BBC-da u sheegeen in haweeneydan aysan la hayn khibrad iyo karti dhanka hoggaanka ah oo ku filan. Hindatu ayaa horey u ahayd guddoomiye ku xigeen, waxaana hadda loo dalacsiiyay jagada guddoomiyaha kaddib markii mas’uulikii xilkaa hayay uu wakhtigiisii dhamaaday. Sida uu sheegaya weriyaha BBC-da ee dalkaasi, dumarka ku nool woqooyiga Nigeria inta badan ma ahan kuwo xil loo dhiibo. Magaalada Argungu ayaa ah magaalada ugu weyn isla markaana ugu qadiimisan woqooyiga Nigeria, waxayna caan ku tahay xafladda kalluumeysiga oo sanad le ah.

No comments:

Post a Comment