Saturday 24 September 2016

XOG CUSUB :- Midowga Africa oo Kormeerayaal u soo diray Doorashada Soomaaliya

Qeybta Siyaasadda ee Ururka Midowga Africa ayaa sheegay in dhawaan Somaaliya ay u soo direen 2 Xubnood oo Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya kala  shaqeyn doona hanaan Doorashooyinka dalka ee dhawaan la filayo in dalka ay ka qabsoomaan.
Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Madera ayaa xusay in Kooxdaasi ay ka saacidi doonaan Soomaaliya Arrimaha Doorashooyinka.
Waxaana uu intaas sii raaciyay in si gaar ah xubnahaasi ay ula shaqeyn doonaan Guddiga Doorashooyinka dalka.
Labada Xubnood ee Ururka Midowga Africa u soo direen Soomaaliya oo u kala dhashay Dalalka Cameroon iyo Uganda ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo  si toos ah uga howlgalaan Soomaaliya.
Sidoo kale Xubno Guddiga Doorashooyinka la shaqeeya ayaa la rajeynayaa in ay u soo diraan Soomaaliya Ururada Jaamacadda Carabta, Midowga Europe , Qaramada Mudoobay iyo kan iskaashiga Islaamka.

No comments:

Post a Comment