Monday, 31 October 2016
Sunday, 30 October 2016
Wednesday, 26 October 2016
Sunday, 23 October 2016
Saturday, 22 October 2016
Sunday, 16 October 2016
Tuesday, 11 October 2016
Monday, 10 October 2016
Noocyada guurka soomaalida
Soomaalidu waxay isku guursan jireen noocyo badan. Noocyadaasi way kala mudnaayeen amma kala mug-waynaayeen. Sidaa darteed gabadhii guri soo gasha ee la soo guursado 10 nooc mid ka mida ayay u soo gali jirtay.
A.. Heerin :- gabdhaha marka horay loo guursan waayo, da’dooduna yara weynaato inta ay dhawr isku raacaan ayay deegaan kale tagi jireen. kaddibna reero ayay u gali jireen. sidaa ayaa lagu guursan jiray.
B.. Sahansasho :- gabadhu markay wiil ay ka heshay aragto waxay ogaan jirtay reerka aw ka yimid, dabadeed gurigiisa ayay gali jirtay. Sidaa ayaa lagu guursan jiray
Labana geeri ayaa keenta
C..Dumaal :- haweenayda markuu odaygeedu dhintu nin kale ayaa looga raadiyaa odaygeeda reerkiisa.
D..Xigsiin :- ninka xaasikiisu markay dhimato waxa la siiyaa mid ka mida walaalaheed.
Labana waa boob amma dhac
E.. La baxsasho :- wiil iyo gabadh ayaa heshiinaya reerahooda oo aan ogayn. Wiilka ayaa gabadha reerkooda ka wadanaya. Markuu qoyskiisa u geeyo ayaa reerkay gabadhu ka dhalatay la war-galinayaa.
F.. Dhabar-garaac :- gabadha oo dhaan la socota ayaa ninka iyo saaxiibadii kala hadhayaan. Kaddibna xoog ayay reerkiisa ku gaynayaan.
Labana waa guurka tooska ah
G.. Haasaawe :- in wiilka iyo gabadhu ay haasaawi kaddib heshiiyaan, dabadeena la isku dhiso.
H..Isa siin :- in labada reer isa siiyaan iyaga oo aan is ogayn.
Labana waa bogsiin
I..Godob reeb :- Reeraha colka ah ee waxa kala dila gabdho ayay is dhaafsan jireen, si colaadda loo damiyo
J..Ku qaad :- wiilku markuu gabadha quruxdeeda wax u dhimo ku qaado ayaa la yidhaa
Dhaqanka soomaaliga labada qof ee is qaba marka ay is arkayaan 7 nooc ayay u dhacdaa.
1..xilli arag :- waa is araga laba qof markay is guursadaan dhaca
2.. Xaq arag :- waa kulanka habeenka ay caadada ka maydhato kaddib dhaca
3.. Xaajo arag :- Habeenka ay afartan baxdo kaddib kulanka dhaca
4.. Xurmo arag :- gabadhu hadday reerkooda intay tagto xoolo ka soo qaadato ayay odaygeeda si fiican isku arki jireen
5.. Xiiso arag :- waa is araga odaygu markuu safar ka soo laabto
6.. Xaal arag :- habeenka ay gacani kaa dhacdo ninka xaaskiisa kulanka dhaca
7.. Xiraad arag :- marka ay dhalmo dayso qofka dumarku odaygeeda habeen habeen ayay is arkaan…

Sunday, 9 October 2016
Saturday, 8 October 2016
Subscribe to:
Posts (Atom)